Laascaanood:(Herer) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa Wax laga waydiiyey Arinta Gobolada Sool iyo Sanaag, Wuxuuna ka hadlay sida uu arko.
“Sool iyo Sanaag waa dad Soomaaliyeed oo midnimada dhib badan ka soo gaadhay, una soo maray, xalkoodana ma yaal Hargeysa, Garoowe iyo Villa Somalia ee waxay u baahan yihiin xal Soomaalinnimo,
“Qabiil iyo xuduud isticmaar midna xal uma aha Arinta Sool iyo Sanaag, waa wax u baahan Xal Soomaalinimo”. Ayuu yidhi Xasan Sheikh.
Inkastoo Xasan Sheikh uu Markii uu Madaxwaynaha ahaa Garab istaagin gobolada SSC, Sidoo kalana uu Horay Cadaado uga sheegay in Galmudug tahay maamulkii ugu dambeeyay ee dalka laga hirgeliyo, Hadana wuxuu Hadalkiisu ka wanaagsan yahay Hadalkii Madaxwayne Farmaajo oo sheegay isagu inaanu Su’aashaa kaba jawaabi Karin.
Maxay kula tahay adiga ?