
Madaxweynihii Hore Ee Somalia Cali Mahdi Oo Ku Geeriyooday Caasimada Nairobi Ee Dalka Kenya
Nairobi:(Herer).Madaxwweynihii Hore Ee Somalia Cali Mahdi Maxamed Ayaa Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi, Sidaas Waxaa VOA U Sheegay Xildhibaanno Iyo Ilo Kale Oo Wareed.
Cali Mahdi Maxamed Ayaa La Sheegay Inuu Maalmahan Ku Xanuunsanaa Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya. Sababta Geeridiisa Ayaa Weli Rasmi Ahaan Loo Shaacin.
Madaxweyniii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku daabacay bartiisa twitterka ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta durba tacsida ka diray geerida Cali Mahdi Maxamed.
Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii Afraad ee Soomaaliya. Ururkii United Somali Congress oo la wareegay talada Muqdishu iyo meelo kale oo waddanka aha ayaa u doortay xilkaasi madaxeynennimada 28-kii Febraayo 1991-kii.
Hase yeeshee maacaabista Cali Mahdi waxaa markiiba kasoo horjeestay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii labada garab ee ururka USC Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Mar kale ayaa ururrada talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre ay ku kulmeen magaalada Jabuuti bishii July 1991, waxaanay ay mar kale u doorteen Cali Mahdi inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Inkastoo ay ururro ka jiray waddanka kasoo horjeedeen madaxweynennimadiisa haddana waxaa xilka ka beddelay Madaxweyne Cabdilqaasim Salaad Xasan oo lagu doortay Jabuuti sannadkii 2000.