Muqdisho:(Herer).Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Anthony Blinken Ayaa Ugu Baaqay Madaxda Somalia In Ay Dhinac Iska Dhigaan Ujeedooyinkooda Siyaasadeed Isla Marka Ay Qabtaan Doorasho Hufan Oo Xalaal Ah.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Marakanka Anthony Blinken ugu baaqay madaxda fedraalka Somalia iyo madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah inay dhinac iska dhigan ahdaaftooda siyaasadeed ee kooban, sida u tilmaamay isla markaana ay gutaan waajibka ka saaran shacabka Soomaaliyeed, si degdeg ahna ugu heshiyaaan qabashada doorasho hufan oo loo wada dhanyahay.
Hadaba Micnaha Qoraalkaas iyo Fariinta uu xanbaarsanaa ayaa Falastin Ahmed Iman waxa ay ka wareysatey Mursal Saney oo ka tirsan masuuliyiinta machadka Heritage ee magaalada Muqdisho.